Dhageyso: Xaaf Oo Kabaha La Dumaray Farmaajo, Kheyre Iyo Jawaari, Sheegayna Iney Yihiin Kuwo…..

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo maanta dib ugu laabtay degmada Cadaado kadib shir uu uga soo qeybgalay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dalka ay ka jirto dhibaato.

Waxa uu Xaaf sheegay in dad aan  talin jirin ay taliyeen, dadkii talin jirayna ay tageen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda dhexe ayuu sheegay iney usoo qoreen talooyin dowladdana ay ka rajeynayaan iney talooyinkaasi qaadato.

HALKAAN KADHAGEYSO MD XAAF

“Dhib ayaa Soomaaliya ka jira, dad aan talin jirin baa taliyey, dadkii talin jirey waa tageen, Soomaaliya meel xun bay ku socotaa, annagu waxaan ka shaqeynay bal in umadda Soomaaliyeed la isku soo celiyo oo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay isku yimaadaan, aayahooda ka tashadaan, ilaahay haku soo hanuuniyo dowladda Federaalka ah, annagu taladii waan soo qornay waana maqasheyn baan u maleynayaaa, Cadaado iyo Galmudug aad iyo aad baan idiin salaamayaa, roobku waa yaryahay Allaha inoo badiyo” ayuu yiri Xaaf.

Arbacadii shalay, Kismaayo waxaa lagu soo gabagabeeyay shir Saddex cisho magaaladaasi uga socday madaxda maamul goboleedyada, waxaana ay kasoo saareey war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. hadialamin45@hotmail.com says:

    BEENLOW WAXBA KAMA JIRAAN WARKAAGI WAA DAD

    LABA ISLAAM IS QALAAFSAN OO MID LA SAFTAY

  2. hassan says:

    waa beenlow dheh ama iska daa lkn waa balan inuu Xaaf shaqada ka eryo Farmaajo oo ah nin aan madaxweyne u qalmin oo cunsuri ah

  3. wiil gob ah says:

    Noolaaw xaaf waa runtiis waxuusheegay dadtalinjirin ayaa taliyay marka qaab darada ee wax umaamulaayaan waa laga saxaa

  4. Aawey says:

    dad aan talin jirin ayaa talada loo dhiibey, ma waxuu ula jeedaa hawiyo. kkkkkkkk, isaga ayaa hawiya ah




warar kii ugu danbeeyay