Dhageyso: Xaaf Oo Loogu Hanjabay Hal Arin Haduu Cadaado Ku Laabto & Hub Uruursi Bilowday

Soomaaliya ayaa hadda waxay la mid noqotay Wakhtigii Hogaamiye Kooxeedyada ka talinayeen marka loo Eego sida Awooda Beelaha ay kaga xoog weyn tahay Dawlada Dhexe.

Xilligaasi waxaa jirtay in Hubka uu ahaa mid dadka gacantooda ku jiray lagana baqan jiray sida dadka Qoryaha badan heysta,hadda Dawlad Adag dalka kama jirto oo hubka xakameysa.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa loogu hanjabay in markii uu tego Cadaado laga qaadi doono Tallaabo isaga ka dhan ah.

Xaaf ayaa helay xogta ah in la diyaarsaday in la diyaariyey Qorshe lagu Xirayo oo Dawlada ay soo maleegtay balse uu ka digtoon yahay arintaasi.

Madaxweyne Xaaf ayaa maleeshiyaad ku heyb ah oo Beesha Sacad kasoo jeeda waxa uu siiyey Lacag Badan si loo dhabar jebiyo Qolyaha doonaya inay Makri umaleega marka uu Magaalada Cadaado ku laabto.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay