DHAGEYSO: Xaaf Sirtii Ugu Cusleyd Kashifay“DF Ciidamo raba in ay i xeraan ayeey iisoo dirtay balse..”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa markii ugu horeysay shaaciyay inuu ka badbaaday qorshe Dowladda Federalka Soomaaliya ay isku dayday oo ku aadan in gacanta lagu soo dhigo.

Axmed Ducaalle Geelle ayaa sheegay Dowladda inay u soo dirtay ciidan isugu jira Nabad Suggid iyo Militari oo lagu amray inay gacanta ku soo dhigaan Madaxweynaha Galmudug, balse arintaasi uu iska difaacay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wuxuu sheegay inay nasiibdaro tahay Dowladii Soomaaliya ee dalka la doonayay inay ka hirgeliso nidaam Maamul inay isku dayeyso fulinta afgambi qorsheysan oo lagu carqaladeynayo Maamul nidaam leh oo dhisan.

Axmed Ducaalle ayaa sheegay marxaladda Soomaaliya hadda la joogo in loo baahan yahay ka fekerida horay u socodka Soomaaliya, balse aanan loo baahneyn in laga fekero sidii loo dumin lahaa Maamulada dhisan.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay ka shaqeyso nagaadshaha marxaladda Siyaasadeed ee dalka, loona baahan yahay kaalin muuqata inay ka qaadato oo aysan ku mashquulin arrimo kale.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay