Dhageyso Xasaasi: Hub Loo Daabulayo Cadaado & Cida Loo Xilsaaray Howshaasi Inay Fuliyaan

Warar Badweyn.com ay heshay ayaa sheegaya in Diyaarad Hub Sida ay ku tashadeen Xubno katirsan Dawlada Dhexe in loo daabulo Magaalada Cadaado.

Qorshahaan ayaa waxaa soo agaasimay Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Hubkaan ayaa loo xil saaray inay Cadaado ka dejiyaan oo lagu hubeeyo Maleeshiyaad la dagaalama Galmudug Qeybta la safan Axmed Ducaale Xaaf.

Fulinta Qorshahaan waxaa loo xilsaaray Nin lagu magacaabo Liibaan Shuluq waxaana Hubka loo gacan gelinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Ee kusugan Gobolka G/gaduud gaar ahaan qeybta 21aad iyo Taliska Ciidanka NISA Ee Cadaado Jooga.

Waxa lagu doonayaa Hubkaasi in lagu maja xaabiyo Maamulka uu hormuudka uyahay Axmed Ducaale Xaaf.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay