Dhageyso: Xilka Qaadis La Fileyn Oo Lagu Sameenayo Mas’uuliyiin Katirsan Dawlada Soomaaliya

Xogaha la helayo ayaa Badweyn.com usheegay in Xilka Qaadis deg deg ah Ay Dhici doonto dhawaan oo lagu sameenayo Dawlada Soomaaliya mas’uuliyiin katirsan.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa la sheegay inay ka arinsadeen wax kabadel lagu sameenayo Taliska Ciidanka Amniga Soomaaliya oo la badeli doono badankood.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Kulan ka dhacay madaxtooyada ayaa la sheegay in Taliyaha Xoogga Gen. Cirfiid,Kan Booliska iyo Xubno kale xilka laga qaadi doono maadaama howl gudasho Sax ah aysan la imaanin.

Taliyaha N/Sugida Soomaaliya C/llaahi Sambalolshe ayaa laga dhaafay qorshe xilka looga tuuri lahaa markii uu la yimid Shaqo hufnaan aan waayahaan dambe looga baran.

Sidaasi si la mid ah waxaa la sheegay in Taliyeyaasha Degmooyinka Muqdisho badankood Seefta ay qaadi doonto si isbadelka Nabad gelyada Xamar la ambaqaado oo Shacabka iyo Laamaha Amniga la iskugu xira.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. axmed says:

    Kheyre dhegool wuu dhereynayaa, waa qabiilwaxa uu Somali ka dhex wadaa.




warar kii ugu danbeeyay