<

Dhageyso: Xukuumada Somalia oo si adag kaga hadashay khilaafka kala dhaxeya M/gobaleedyada….

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib u heshiisiinta iyo Amniga, isagoo ka dhawaajiyay cid kasta oo ka fikir duwan lala hadlayo haddii ay ahaan laheyd dhanka Kheyraadka, Siyaasadda iyo Dastuurka.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wuxuu Wasiir Juxa carabka ku dhuftay in waxyaabaha la isku hayo ay kala gedisan yihiin, isla markaana ay kala heerar yihiin, wuxuuna tilmaamay in Wasaaradiisa ay sii wadi doonto dib u heshiisiinta.

“Waxa la isku haayo waa kala gedisan yahay, waana kala heerar, waa jirana waxyaabo la isku haayo ama ha ahaato Kheyraad, siyaasad, Dastuur ama awoodeed, waqti bey qaadaneysa in la wada hadlo, cidii naga fikir duwan ama xabad nagu soo rideysa in lala hadlo diyaar baa lala yahay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wuxuu tilmaamay in cid kasta ay albaabada u furan yihiin isla markaasa daqiiqad kasta miiska wadahadalka la fadhiisan karo, wuxuuna rajo ka muujiyey in la isku soo dhawaan doono.

“Dalkaan waa la wada leeyahay, cid kasta albaabada waa u furan yahay, in miiska wada hadalka waa furan yahay”ayuu yiri Wasiir Juxa oo hadaladiisa u muuqday kuwo uu si gaar ah uga hadlayay xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo khilaafyada dhanka dastuurka iyo awoodaha dalka.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa kusoo aadayo xilli uu meel xun gaaray Khilaafka Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jiro kuwaas oo shir ku yeeshay Kismaayo lana filayo inay Maanta soo saaraan war murtiyeed.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.