Dhagyeso: R/W Kheyre Oo Go’aan Culus Ka Qaatay Shanta Madaxweyne Ee Ku Shiray Kismaayo

Hogaamiyeyaasha Dawlad Gobolleedyada Soomaaliya ayaa waxay seddex Maalin ku shirsanaayeen Magaalada Kismaayo iyadoo Mas’uul katirsan Dawlada Soomaaliya aysan ka qeyb noqon shirkaasi.

Shirkaasi waxa looga hadlayo Arimo ka dhan ah Dawlada Dhexe balse dadka loo soo bandhigay in Aayaha Dalka looga tashaday iyo sidii loo samata bixin lahaa.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Shirkaasi Kismaayo ka dhacay Xogta Hoose Oo Badweyn.com Heshay waxa uu sheegayaa in loogu arinsaday sidii wada shaqeyn xoog leh udhexmari laheyd Shanta Maamul Gobolleed Ee kala ah: K.Galbeed,Galmudug,Hirshabelle,Puntland iyo Jubbaland.

R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay Shirkaasi waxaana uu sheegay in uu kasoo qaaday Caruur Ciyeysa oo kale wax saameyn ahna gelin karin Shaqada Hay’adaha Dawlada Soomaaliya.

Waxa uu Kheyre sheegay inaysan mudneyn Qiimeyn lagu sameeyo War Murtiyeedka ay soo saareen Shanta Hogaamiye oo Caasiyaal ku noqday Dawlada Dhexe sida uu warka udhigay in loo jawaabana sheegay inay tahay mid raqiis ah.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. axmed says:

    Kani waali buu wadaa, Farmaajana wuu ku khasaarey, wax uusan aheyn buu is moodey, walee Xaaf ayaa sheegey, nin aan talin jirin haduu taliyo ,ayaa dhibaato timaadaa war isagii baa hanjabaya ,isaga oo codla fadhiya. taas Farmaajio ayaa ka jawaabaya.

    • Amina says:

      xaaf miyaad u qabtaa inuu sidaas ku saxan yahay ,xaaf wuxuu ismooday inuu la mid yahay Gaas iyo shariif sakiin ,nimankaasi waxay xukumaan oo meel ku soo ooteen nin walba hal qoys(puntland iyo k/galbeed),isagu 11 qoys oo wada baarqab ah buu madax u yahay ,kaligi wuxuu doono ma suubin karo sidooda ,waa inuu wax walba kun jeer ka fiirsado-tan kale kheyre meesha kama marnaan karo waa awood reer galmudug ah ,oo xaaf u baahanyahay-
      Galmudug waxay ku fiican tahay in la dejiyo oo sheekadu aysan dhaafin walaale iyo walaalkiise iihoo iyo hey adigaa ku haboone ,nin Galmudug awood u gaar ah ku heli karaa dhab ahaantii ma jiro ,lagumana kala xoog badna ninba maalinbuu hoogi !!!!




warar kii ugu danbeeyay