Sawiro & Cod: Taliyaha C.X.D.S & Saraakiil kale oo Booqday Bariire kuna dhawaaqay Dagaal…

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) oo ay welhiyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa booqday Degaanka Bariire oo 19-kii August ee sanadkan laga saaray ururka Al-shabaab.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General C/laahi Cali (Caanood) oo horey Bariire ugu sugna ayaa Degaanka ku soo dhaweeyay wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

General Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa intii uu ku sugna degaanka waxa uu booqday Difaacyada Ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin Bariire iyo Buundada Al-shabaab ay dhawaan ku gooyeen Qarax Miino.

C/laahi Cali (Caanood) Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa marka hore ugu warbixiyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sida Ciidamada Xoogga dalka Al-shabaab ugu Difaaceen Degaanka.

Abaanduulaha ayaa sheegay in degaanka Bariire ay difaac uga jiraan ciidanka xoogga dalka oo uu sheegay in halkaasi ay ku galeen dagaalo Afar ah, mid ka mid ahna uu dhib ku gaaray.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) ayaa ugu horeyn Tacsi u diray Eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen Askartii ku geeryootay dagaaladii Bariire.

General (Cirfiid) Taliyaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna balan qaaday in dhamaan Ciidamada Xoogga dalka loo dhameystiri doono qalabkooda Millitari.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Shabaab waxaana uu sheegay in ciidamada aysan macquul aheyn in ay iska fadhiyaan waxaana uu tilmaamay ciidamo cadaan ah in aysan ka sugeyn in dalkan ay u xureeyaan.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay