Cod La Duubay: Xeer Ilaaliyaha Dalka Soomaaliya Oo Sir Badan Ka Sheegay Kulan Ajaanib Badan Ka Qeyb Galayeen

Shir Ballaaran ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Jabuuti oo ay iskugu yimaadeen Mas’uuliyiin kala duwan oo Dalalka Africa iyo Ajaanib ka socotay Mareykanka iyo Canada.

Nuxurka Shirkaasi waxa uu ahaa mid looga hadlayey sida la iskaga kaashan lahaa ka hortegista Argagaxisada ayaa waxaa talo badan soo bandhigay Xubnihii shirka ka qeyb galayey.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir oo Shirkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in Soomalaiya Cashar badan ka baratay Dagaalka ay kula jiraan Ururka Al Shabaab.

Dr Axmed Daahir waxa uu hoosta ka xariiqay in Xog iyo Xis wixii ay yaqaanaan ay la wadaagayaan Dalalka Xubnahooda ay shirkaasi joogaan.

Waxa Badweyn.com ka heshay shirkaasi in Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir uu soo jeediyey in Qaraxii Soobe dadkii waxyeelada soo gaartay ay weli dhiban yihiin oo gurmad ay ubaahan yihin,ayna DFS dhowr qof Qaraxaasi uqab qabatay.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay