DEG DEG Dhageyso:-Xildhibaanada Galmudug Oo Qaadacay Heshiiska Galmudug Iyo Ahlusuna

Kadib markii Gelinkii dambe ee Maanta ay heshiis ku wada gaareen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Masuuliyiin ka kala socotay maamulada Galmudug iyo Ahlusuna isla markaana ay Goobjoog ka ahaayeen madaxda Sare ee Dowladda ayaa waxaa heshiiskaas qaadacay xildhibaano ka tirsan Galmudug.

Qaar ka mid ah Xildhiabanada Galmudug oo shir Jaraa’id qabtay ayaa waxa ay sheegeen in heshiiskaas uusan waxba ka jirin isla markaana uu yahay mid lagu duminayo Maamulka dhisan ee Galmudug.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in heshiiskaas uu ahaa in la horkeeno Baarlamaanka Galmudug balse la hareer maray sidaas daaradeedna aysan aqbaleyn.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in heshiiskaan ay galeen Koox yar oo mucaarad ku ah Maamulka Galmuudg sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in Galmudug ayaa 15 Bishaan galeyso doorashada loona diyaar garoobayo.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. hadialamin45@hotmail.com says:

    WAXBA MA ISKU HEEYSIIN MARNABA ISMA QWAAFAQSANTIHIIN RUNTA MARKAAD EABTAAN

    WAA BEEN ABUUR AHLISUNNA SHEEKH SHAAKIR

  2. axmed says:

    Nabad ma rabaan,




warar kii ugu danbeeyay