Dhageyso: Ciidanka Itoobiya Oo Diiday In Xil Loo magacaabo Abu Mansuur & Isagoo Ugeeyey…

Xogo gaar ah oo ay heshay Badweyn.com ayaa sheegaya in Ciidanka Itoobiyaanka Ah Ee kusugan Baydhabo ay diideen in Xil culus loo magacaabo Rooboow Abu Mansuur.

Waxa la sheegay in kulan uu dhexmaray Saraakiisha Itoobiya Ee Fadhiisimaha ku leh Baydhabo iyo Rooboow oo ay ka arinsadeen sida laga yeelayo Ururka Al Shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Badweyn.com ayaa ogaatay Khabar ah in Kudhawaad 10 Neef Lo’ ah uu Rooboow ugeeyey Ciidanka Itoobiyaanka ah Ee Jooga Baydhabo si ay Raashin uga dhigtaan.

Shalay wuxuu ahaa Cadowga Itoobiya Rooboow Maantana waa garab is dhaafsi ay kuwada galayaan duulaanka lagu yahay Shabaab,waxaase la helay in Itoobiya diiday in Sargaal ama Xil Culus loo magacaabo Abu Mansuur.

Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Ayaa bishii 8aad Ee Sanadkaan isku dhiibay Dawlada Soomaaliya kadib baxsad uu ka ahaa Deegaan ku yaalla Gobolka Bakool oo Shabaab ku weerareen,ayna taasi dhaxal siisay in Dawlada uu Magan u noqdo hadana laga qeyb gelinayo Dagaalka lala galayo Kooxda Al Shabaab.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay