Dhageyso: Ciidanka Kenyaanka Ah Ee Jooga Dekada Kismaayo Oo Bilaabay Arimo Aad Halis U Ah

Warar hoose oo Heshay Badweyn.com ayaa sheegaya in Ciidanka Kenya Ee Kusugan Dekada Kismaayo ay dhaqan diinta iyo mida Akhlaaqiyaadka Soomaalida uwanaagsaneyn bilaabay.

Dad jooga Kismaayo ayaa inoo xaqiijiyey inay jiraan Haween Tega oo Jirkooda ka ganacsada Xeryaha Dekada ay ku dhex leeyihiin Ciidankaasi kadibna Lacag aan badneyn lasoo siiyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Ciidanka Kenyaanka ah Ee Kusugan Kismaayo Meelo ka mid ah ayaa la ogaaday inay qabaan Cudurka HIV AIDS-ka kuwaasi oo ku talaalaya Soomaalida Ugu tega Shaqo ahaanta Ama kuwa Jirkooda ka iibinaya.

Haween badan ayaa waxa Kismaayo la arkay iyagoo ilmo Aabo la’aan ah inta ay dhaleen Wacalnimo loo koriyey shantii sano Ee Lasoo dhaafay,halka qaarna ay dhigeen Waddooyinka oo ay iskaga dhaqaaqeen.

Ciidanka Kenyaanka ah ayaa waxay sheegeen in Kismaayo ula mid noqotay Dalkooda oo kale Shacab La fahmi karana ay deggan yihiin oo Aad uwanaagsan.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay