Dhageyso: Hanjabaad Loo Jeediyey Saraakiisha Booliska Muqdisho Qaar & NISA Oo Duulaan Ku Ah…

Khilaaf Xoogan ayaa maalmahaan dambe ka jiray Talisyada ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidanka NISA oo isku haya Qeybo ka mid ah Muqdisho.

Kala shakiga Laamaha Amniga Xamar jooga soo kal dhex galay waxay gelisey arin la fileyn shaqadii sugida Nabad gelyada oo ay is gaad gaad dhexdooda ka dhex jiro.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Badweyn.com ayaa waxay sheegeysaa in meelaha qaar ay is ficlid ka dhex jirto Xarumaha Ciidankaasi ay kala joogeen oo mararka qaar laga cabsi qabo inay dagaalamaan.

Waxay ka bilaabatay Xurgufta markii la dhaawacay dhawaan Askari katirsan NISA uuna dhaawac ugeystay Askari Boolis ah xiisadii ka bilaabatay ayaana weli jirto.

Ciidanka NISA ee deggan Agagaarka Isgoyska Tarabuunka ayaa waxay celiyeen Habeen hore gaari ay la socdeen Ciidan Boolis ah oo ka yimid dhinaca Degmada Howlwadaag oo qoryo la isku qabtay balse xaalada ay markii dambe caadi noqotay.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay