DHAGEYSO: Is Bar bar Yaac Jira & Xogo Lasoo Ogaaday Ahlusunada Saxda Ah Waa Tuma?

Isbar bar yaac ayaa ka jira Cida Saxda ah Ee ahlusunada ah Ee Maamulkoodu ka jiro Deegaanada dhaca Gobollada Dhexe Ee Soomaaliya.

Waxaa dhawaan Heshiis ku galay Magaalada Jabuuti Ee Caasimada Waddanka Jabuuti Xubno ka socday Ahlusuna iyo Maamulka Galmudug.

Heshiiska hordhaca ah waxa uu dhigayaa in wadaag Maamul ah oo xilalka la qeybsanayo la yagleelo sida ku cad qodobada lasoo saaray.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA:

Sheekh Shaakir iyo Axmed Xaaf ayaa muujiyey inay walaalnimadii lasoo celinayo oo Maamulka Galmudug gacan laga wada geysan doono sidii loogu Badweyn lahaa deegaanada Gobollada Gal gaduud iyo Mudug.

Warkaasi waxaa ka hor yimid oo diiday Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo mar soo ahaa Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna waxaana uu sheegay in shakhsiyaad ay ahaayeen kuwii Heshiiska kusoo galay Jabuuti.

Waxa uu sheekh Cumar sheegay inay iyagu maamulaan deegaanada Badan Ee Gal gaduud sidaa awgeedna aysan mateli karin kuwii heshiiska ku galay Dalka Jabuuti,waxaana la is weydiinayaa Waa tuma Ahlusunada Saxda Ah Ee Maamulkoodu shaqeeyo Gobollada Dhexe?


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. hassan says:

    waa Sheikh Shaakir iyo Nacalin Maxamuud cidkale oo ladhegeysanayo majirto sxb

  2. hassan says:

    Waal dhageysanayaa cidi loo argo neey awood ciidan leh maxaa yeelay gobalada dhexe waxa ay ubaahanyihiin maslaxo LA dhexdhigo




warar kii ugu danbeeyay