Dhageyso: Saxaafada Oo Aad Uhadal Heysa Qalfoof La Helay Oo Jirta Malaayiin Sano & Geed La Harsado Oo…

Culumo ka tirsan kuwa Paleontologists-ka ee dhulka baara ayaa ka helay galbeedka Shiinaha geed “dipteronia” kii ugu da’da weynaa abid ee la helo.

Daahroggan cusub ayaa waxaa lagu soo daabacay wakaaladda wararka Shiinaha ee “Xinhua“, khubarada Shiinaha ayaa xadiday cimriga geedkan, waxayna ku  qiyaaseen inuu ahaa 32milyan oo sano ka hor, waana daahroggii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo laga helo xilligii Oligostan-ka oo ku began 23-40milyan oo sano ee lasoo dhaafay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Dipteronia ayaa ah geed ubaxeed, si aad ah ugu faafsanaa dhinaca waqooyi ee dhulka, laakiin geedkaasi meelaha qaar wuu ka dabargo’ay, kadib markii uu dhamaaday casrigii Oligostan-ka.

Waxaa xusid mudan, in noocyo ka mid ah geedkan dipteronia laga helo dalka Shiinaha, laakiin waxa uu ku jiraa buugga-cas ee lagu qoro dhirta laga baqanayo iney dabargo’do, waxaase hadda geed ubaxeedkan laga hayaa in ku filan oo muddo lagaga dhowrsan dabargo’iisa.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay