Dhageyso: Warshadii Hore Sonkorta Mareereey Oo Dal La Fileyn La Wareegaya & Shabaab Oo Bilaabay…

Warar hoose oo ay Heshay Shabkada Badweyn.com ayaa sheegaya in Warshadii Hore Ee Sonkorta Mareereey oo ku taalla Gobolka J/Hoose ay La wareegi rabaan Dawlada Imaaraat-ka Carabta.

Xogta ayaa ku warameysa in Mareereey oo hadda Deegaan ahaan Shabaabku xukumaan ayaa Qalab Ahaan waxa la ogaaday inay ka bad qabto Bililiqadii Dalka ka dhacday.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay aheyd mid si weyn dhaqaale badan ay Dawladii Kacaanka ka heli jirtay iyadoo Kumanaan Qof ay kasoo shaqeeyeen,ayna keentay in dhaqaale badan laga soo saaro Warshada xilligeedii.

Warshadii Mareereey ayaa la tilmaamay in Dawlada Imaaraat-ka ay ubaahan tahay in ay dib ukiciso,islamarkaana ay ka horeyso in Shabaab laga Xoreeyo Deegaanka.

Badweyn.com ayaa ogaatay in Shabaab ay ka hortegayaan Qorshahaasi UAE ku raadineyso inay ku dhigto gacanta Warshadii Hore Ee Sonkorta Soo saari jirtay Mareereey.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay