DHAGEYSO: Wasaaradda Amniga XFS oo faah faahin ka bixisay Amniga dalka…

Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faah faahin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay xaaladda Amniga dalka.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso Howgala laamaha Amniga Soomaaliya ku xaqiijinayaan Amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in ay wax badan ka hirgaleen Qodobadii kasoo baxay shirkii london ee looga hadlay Arrimaha Amniga Soomaaliya kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Madax kala duwan.

Hadalkan Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho uu ka soconayo Shirka looga hadlayo Amniga Dalka oo uu furay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayna ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay