DHAGEYSO: Xaaf oo ka hadlay wadooyinka ay jareen Shabaab…

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in weli degaanada maamulkiisa arrimiyo in weli ay ku jiraan go’doon, muhiimna ay tahay arrintaasi in wax laga qabto.

Wuxuu sheegay (Xaaf) culeyska ugu weyn ee dhanka amniga ka heysta Maamulka Galmudug inuu yahay wadooyinka ay jareen ururka Al-shabaab ee ka sugan degaanada Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay garab buuxa ka siiyaan Dagaalka ka dhanka ah Shabaab, wuxuuna tilmaamay muhiim in ay tahay in si deg deg ah loo qaado Howlgalka.

Hadalkan ayuu ka sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) xilli uu shalay ka qeyb galayay shirka Amniga, kaasi ka furmay Muqdisho, loogana hadlay arrimo badan.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay