DHAGEYSO: Xaalada Caawa Ka Jirta Sh/Dhexe & Mas’uuliyiin Meydka G/le Max’ed Raage Ku Dul Ooyey

Waxaa Maanta weerar culus uu ka dhacay Degmada Balcad iyo Jowhar meel udhaxeysa waxaana weerarkaasi si gaadmo ah ku fuliyey Ururka Al Shabaab.

Gaari C/bile ah oo ay la socdeen Saraakiil katirsan ciidanka Dawlada ayaa lala helay Qeybta dambe qoriga Baasuukaha Xabadiisa iyadoo kadib iskahorimaad uu bilowday.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Sargaal lagu magacaabi jiray Maxamed Raage oo Meliteriga Sh/Dhexe laga yaqaanay ayaa lagu dilay Goobta waxaana jira Askar kale oo Waxyeelo kusoo gaartay weerarkaasi.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga Ee Gobolka Sh/Dhexe Nuur Absuge (Nuur Dheere) iyo Mas’uuliyiin kale ayaa goobta gaaray duhurnimadii iyagoo meydka Gaashaanle Maxamed Raage soo qaaday iyo Askarta dhaawaca aheyd.

Waxa Nuur Absuge sheegay inay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Shabaabka ku dhuumaaleysanaya Intaudhaxeysa Balcad iyo Jowhar oo weerarada lagu galayo Mas’uuliyiinta ay soo badanayeen bilihii lasoo dhaafay.

Ilo Wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta qaar ay ka ilmeeyeen Geerida Maxaa Raage oo ahaa Halyeey Ciidanka Boos la heli karin ugu jiray.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay