DHAGEYSO: Xog laga helay Shirka Caalamiga ah ee Maanta ka furmaya Xerada Xalane iyadoo MD Farmaajo..

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay u diyaar garowday shirar caalami ah oo dhici doona 4-ta December oo maanta ku beegan iyo 5-ta December oo berri ah.

Shirarkan oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa ka qeyb gelaya, Madaxda Dowlad Goboleedyada, xubno ka socda Beesha Caalamka, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta in Muqdisho maanta uu ka dhici doono shirka Amniga, loogana hadlayo wixii ka soo baxay shirkii London bishii May, Dib u habeynta Ciidamada, Howlgalada Ciidanka iyo bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta wuxuu sheegay 5-ta bisha December in Muqdisho uu ka dhici doono shir loogu magac daray (Somali Partnership Forum), kaasi oo looga hadli doono arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta kobcinta dhaqaalaha.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Shirkan waxaa ka qayb galay xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay