Dhageyso: Xukuumada Kheyre Oo Hal Arin Awgeed Internet-ka Hawada Uga Saareysa & Dhib Soo Socda

Badweyn.com ayaa heshay Xog ah in Xukuumada Soomaaliya ay dooneyso inay hawada ka saarto Ineternet-ka Fiber Optic oo Meelo kala duwan laga isticmaalo.

Sanadkaan bartamihiisii ayaa la ogaa dhibka laga qaaday Internet-ka oo laga waayey Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya taasi oo dad badan ay ku khasaareen Shaqooyinkooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegayaa in uu codsaday in la hakiyo muddo Fiber Optic Xargaha Internet-ka siiya Koonfurta.

Waxa taasi looga goleeyahay Dhuun qabasho lagu sameeyo kuwa Mucaaradka ku Ah Xukuumadiisa Ee Baraha Bulshada kusoo daabacaya warar Kheyre ka dhan ah.

Badweyn.com ayaa heshay khabar ah in hadda meelaha qaar Xargaha Internet-ka ay bixiyeen oo Culeys weyn la dareemay Axadii iyo Isniintii Isbuucaan oo dadkuna ay badankood Cabasho ugudbiyeen Shirkadaha Internet-ka Bixiya balse jawaab cad aan la siin oo la yiri Cilad Guud ayaa jirta.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Doqon diid says:

    Qeer beele qeyre miya qadka jari kara




warar kii ugu danbeeyay