DHAGEYSO: Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab oo Nolol lagu qabtay xili…

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Dhaxe Axmed Meyre Makaraan Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamda Ammaanka Gobalkaasi ay sameyeen Howlgal amni xaqiijin ah.

Waxuu sheegay Guddoomiye Axmed (Faal) in Ciidamda ammaanka ay Howlgalkooda ku soo qabteen rag ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in la aqoon saday.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxuu sheegay in shir lagu qabtay gobalka Shabeelada Dhaxe looga wada hadalay sidii Ciidamada u wada shaqeyn lahaayeen loona xoojin lahaa dalgaalka lagula jiro Al-shabaab iyo Sidii Amniga Gobalka Shabeelaha Dhexe loo xaqiijin lahaa.

Ciidamada Dowladda ee jooga Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa maalmihi danbe waday Howlgalo ay ku xaqiijinayaan amniga kadib markii Madaxda Qaranka ay kudhawaqeen Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay