HOTNEWS Dhageyso: Idaacad Dhawaan Laga Furayo Muqdisho Oo Arimo Aan La Fileyn Ka Shaqeyn Doonto

Shabkada Badweyn.com ayaa ogaatay in dhawaan Muqdisho laga hir gelin doono Raadiye ka duwan Warbaahinta hadda ka shaqeysa Xamar.

Xogta aan helnay waxaa Idaacadaasi iska leh Wasiirkii hore Ee Warfaafinta Soomaaliya C/qaadir Jaah-weyn iyadoo Raadiyahaasi laga furayo Meel udhaw taree Biyaano Degmada Hodan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Weli lama sheegin waxay qaban doonto Idaacadaan oo Magaceeda aan Xog ku helnay SAHAL RADIO ayaa hadana waxa ay ushaqeyn doontaa qaab ka duwan Raadiyeyaasha kale.

Idaacada ayaa Wakhti Kooban Hawada ku jiri doonto sida BBC SOMALI & VOA SOMALI ushaqeeyaan,naqshad ahaan sidaas inay la mid noqon doonto ayaa nala soo gaarsiiyey.

Sahal FM ayaa waxa la sheegay in Dhaqaale Badan lagu bixiyey Kicinteeda iyadoo isbuucaan gudihiisa ay soo galeyso Hawada,C/qaadir Jaah weyn ayaa hore ugu fashilmay Idaacadii TUSMO Ee Sanado ka hor ka aas aasay Muqdisho kuna taallay Degmada Xamar Jajab.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay