KASHIFAAD+DHAGEYSI: Wasiirka Amniga Oo Beentii Ugu Darneyd u Sheegay Shacabka Muqdisho iyo warar shegaayo

Wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow oo xalay hadal ka jeediyey munaasabaddii lagu soo bandhigayey waxqabadka dowladda ayuu ka jeediyey hadal aan inta badan waxbo ka jirin una muuqda mid dadka aan ku nooleyn Muqdisho la tusayey oo kaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in amni Muqdisho waxbadan uu ka qabtay mudadii uu joogay, isaga oo sheegay in amni wanaagsan ay dadka ku naaloonayeen, balse ma aanu sheegin in mudadii uu joogay Muqdisho ay dhinteen dadkii ugu badnaa ebed ee Soomaaliyeed walibana Hal meel ay ku dhintaan.

Wuxuu sidoo kale wasiirka qariyey in shacabka la saaray cadaadis aad u weyn, lagana xirtay waddooyin Muqdisho ah oo aan waligeed la xiran.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxyaabaha uu soo hadal qaaday waxaa kamid ah in magaalada laga saaray hubka, sidoo kalena la joojiyey ciidankii badnaa.

Dadka Muqdisho ayaa is weydiinaya ciidamada gaadiidka dagaal wata ee maalin walbo dhex socda Muqdisho, kuwaasi waxa ay yihiin, mise wasiir Islow uma yaqaan kuwaa ciidamo.

Halkaan hoose ka dhageyso codka wasiirka kadibna dib u eeg wax walbo:


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay