LAMA FILAAN Cod Ah: Xuseen Ceydiid Oo Shir Albaabada Uxirnaa Ka Dhex Sheegay In Loogu Hanjabay Dil Hadii Uu..

Siyaasiga Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa iska diiday Kuwo uga gacan haatiyey inuu yimaado Muqdisho kaasi oo la sheegay in arimo badan laga shiray.

Kulan Beesha Habar Gidir ku yeesheen Hoteelka Saxafi ayaa waxaa ka qeyb galay Madax badan oo Duubab dhaqan leh,Culimaa’udiin,Haween iyo Dhalinyaro iskugu jiray.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Ujeedka Kulankaasi ayaa ahaa sidii Aayaha Beesha looga hadli lahaa iyo wax isku qabasho Beesha hadii la eego Siyaasad iyo Si kale oo dadka dhiban loogu gacan qabanayo.

Qadka Taleefoonka ayaa waxaa kaga qeyb galay Xuseen Ceydiid oo jooga Mareykanka isagoo sheegay in la dilayo hadii uu imaan lahaa Xamar oo dad Qabiil ku Beegsanaya ay usoo hanjabaan.

Badweyn.com ayaa ka heshay Xog kulankaasi oo markii dambe la isku raacay in Hubkii Beesha Ee La Qariyey markii Hubka dhigista Xamar ka bilaabatay dib loo soo faago oo cid walbo oo loo arko inay Hormarka diidan tahay la iskaga dhiciyo.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Saalah says:

    Reerkan waa kuwa ugu qabyaalad badan beel ayay u shirayaan waxayna ka fekeraan sidey sanamkooda qabyaaladda u ilaashan lahaayeen. Haddii reerkan qaranimo ku fekeri lahaayeen Soomaali wey is raaci lahayd. Nasiib daro reerkan sunta qabyaaladda ayaa ku talaalan. Nasiib daro..

  2. Raamsade says:

    saalah waa xanuunsantahay ee is dawee hg soomalidakale ayay qabiilka kala simantahay ee ma cuqdad ayaad u qabtaa reerkaas

  3. hassan says:

    haa waad aragtaa inuu cuqdad u qabo lkn Habargidir Allah ayaa garab taagan cid ay isu duleynaayaana majiri jirin mana jiri doonto waa isku kalsoon yihiin waxa ay Habargidir ka dagaalanto mar walba fiiriya waa wax qaldan oo ayaga naftooda iyo Soomaalinimada ku xun ogaada wanaag cidii ula timaaad iyo cadaalad wey ugu horeeyaan taageerada




warar kii ugu danbeeyay