XASAASI Dhageyso: Hogaamiyeyaal Shabaab Ah Oo Doonyo Loo Geeyey Kagana Baxsadeen Magaalada…

Ururka AL Shabaab ayaa hadda wajahaya Culeys badan oo la saaray Hogaankooda iyo Dagaalyahanadooda oo Duulaan lagu qaadayo.

Deegaano Badan ay kusugnaayeen Shabaab ayaa gacanta ugalay Dawlada Soomaaliya waxaana taasi ay sababtay inay ku firxadaan Shabaab Deegaano kale.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Madax Iskugu jirta Shabaab Soomaali iyo Ajaanib ah ayaa ku baxsaday Doonyo loo geeyey oo ay kaga soo carareen Deegaanadaasi oo duulaan lagu yahay.

Duqeymo diyaaradeed oo la fuliyey ayaa keentay in ay ka cararaan Deegaano badan Madaxda Shabaab waxaana Badweyn.com xog ku heshay in Hiiraan iyo Gal gaduud ay ku qul qulayaan Shabaabkii Baxsaday.

Waxa Hogaamiyaha Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeyda iyo Saraakiil kale ay gaareen Degmada Garbahaareey Meel duleedka kaga beegan iyadoo la aaminsan yahay in Halkaasi tahay meesha ugu saameynta badan hadda Shabaabka.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay