XOG COD : Mas’uul Katirsan DF Soomaaliya Oo Qatar Heshiis Lacag Badan Ah La Galay & Xog Culus Oo La Helay

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Qatar ayaa ku kulmay magaalada Doha iyagoo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada ee labada waddan.

Xog Badweyn.com heshay ayaa sheegya in Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Qatar Dr Maxamed Cabdulwahab Cali Al-Xamaaddi iyo Wasiirka Waxbarashada Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo ku kulmay magaalada Doha ee dalka Qatar, ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka hor-u-marinta waxbarashada ee labada dal.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wasariirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa la ogaaday inuu dhaqaale badan ka helay Wasiirka dhigiisa Dalka Qatar oo barnaamijyo gaar ah uga fulin doono gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, Sanduuqa horumarinta Dowladda Qatar  ayaa November 29, 2017 ku dhawaaqday taageero lacageed oo gaareysa $200 oo milyan oo dollar oo lagu fulinayo mashaariic horumarineed oo waxbarashadu ka mid tahay gudaha Soomaaliya.

 


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




warar kii ugu danbeeyay