XOG Cod: Saraakiil NISA Katirsan Oo Hub Kasoo Degay Dekada Muqdisho La Wareegay & Shabaab Oo…

Xog ay heshay Badweyn.com ayaa sheegeysa in Dekada Muqdisho ay kusoo xirteen Maraakiib la sheegay in Hub wadeen oo faah faahino la helayo.

Ganaacsato Soomaaliyeed ayaa la sheegay in lagu soo qoray Hubkaasi kuwaasi oo kadib macaash ka helaya,iyadoo la aaminsan yahay in hadda Amniga Hubkaasi qal qal gelin karo.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Hubkaasi ayaa waxay iskugu jiraan Bistoolado,Qoriga AK47 iyo Rasaas kala duwan,lamana oga sida ay Dawlada Soomaaliya uga jawaab celin doonto Arimahaasi.

Badweyn.com ayaa heshay Xog ah in Saraakiil katirsan NISA ay umuuqdaan kuwo qeybta suuqa Madoow Hubkaasi ku kala iibinaya oo Shabaab ka iibsada.

Laamaha Amniga Soomaaliya ayaa umuuqda kuwo ku fashil dhexda kaga jira taasi oo la aaminsan yahay in Shabaab ay miisaan iyo mug ku dhex yeesheen Dawlada Soomaaliya.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. axmed says:

    Koofuri waa wada shabaab, dowlad Somaliyeed ee xamar ka soconeysa ma jireyso. inta hawiyewaxaas wadaan.

  2. Raamsade says:

    axmed wax hubso nimankan waa beenaalayal caan ah hawiye soomalida dowlad ubaahan ayuu ka mid yahay isagaana degaankiisa dowladu ku nooshahay canshuurta laga qaado boosaaso iyo barbara iyo kismaayo canshuurtooda dowlada lama siiyo




warar kii ugu danbeeyay