XOG Sir ah Maqal: Khaatumo Oo Aqoonsi Ka Heli Doonto Dawlad Caan Ah & Prof.Galleyr Oo Dhabar Jebin Lagu Sameeyey

Maamulka loo diiday Xaqiisa Ee Khaatumo ayaa waxa uu hadda cagta saarayaaa sidii loo siin lahaa Aqoonsi Dawlad Gobolleed oo muddo ay raadinayeen.

Khaatumo ayaa la bah dilay oo Dadka Deegaankaasi midna aysan Maamul Ahaan Cid u aqoonsato ka helin Maamulada Kale Ee Soomaaliya ka jira,Prof Cali Khaliif oo Hogaanka Maamulka Khaatumo ahaana waxa uu isku loogay S/land Si Xil uga helo Dawlada Cusub Ee Lasoo dhisayo dhawaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Xubno Deegaan ahaan kasoo jeedo Halkaasi ayaa hadda wada qorshe ay ku raadinayaan Aqoonsi Sare oo Ay Kaga helaan Caalamka si ay Maamul Buuxa oo Qoondadooda ku hela noqdaan.

Ilaa Shan Maamul Gobolleed ayaa Soomaaliya ka jira oo Dawlada Dhexe Hoostaga iyadoo Gobolka Banaadir weli lasiin qudhiisa Xaqii Maamul gobolleedka,S/Land iyada waa budo gaar utuman oo Soomaaliya xitaa inay hoostagaan ma sheegtaan iyo Khaatumo oo la dhuun qabtay.

Badweyn.com ayaa lala wadaagay Xog ah in Norwey Codsi loo diray si ay ugu dagaalanto Aqoonsiga Maamulkaasi oo looga dhaadhiciyo Dawlada Dhexe inay Qoondo siiso maamulkaasi dadka deggan.


Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Badweynnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. Maxamad says:

    garanay nacaybka iyo xiqdiga xad dhaafka ah ee aad u hayso Somaliland. .laakin cidna waxba kaga qaadi karimaysaan. waxaa halkan ka muuqta jaahilnimadiina iyo aqoonta yar ee aad u leedihiin dadka sharfta leh ee dhulbaahante,. Shulbaahante wax walba way leeyihii , Qaar dawladooda Somaliland raacsan , iyo qaar maamulka Majeerteeniya Harti ahaan ku raacsan iyo qaar Farmaajo iyo wax la yidha Somaliweyntii xijaabtay daba socda

  2. Maxamad says:

    Iska daa in beesha Dhulbaahante ee Sharfta lihii muujiso in at ka mid yihiin dawlada Somaliland xataa waxay sii kala taageereen xisbiyada qaranka ee Jamhuuriyada Barakaysan ee Somaliland hoos ka daawo xaqiiqada

    https://www.youtube.com/watch?v=HPppVHfqzQs

    iyo xisbiga wadani

  3. axmed says:

    Tuug tuug dhaley ee Iidoora ayaad tahey, Somaliland waa Xagee? ma isaaq baa . war khaatumo dhul ay degto shaqa kuma lihidin, waxaad aragteen afar Caadaqaate ee Hargeysa tuugsada Sida Galeyr, oon tegi karin Dhul khaatumo. Khaatumo waa maamul gaara, waana wax aduunka ka dhamaadey in ay Gooni isu taagtey. ku ejaada Labadiina magaalo ,ee aad iyagiina isku haysataan Xaaraan yahay.

  4. Maxamad says:

    waar hay caayin anigu ku caayimaayo ,wixii jiraan ku tusay , ma runta ayaa diidaysa ,adeer dhulbaahante haduu diidanyahay Somaliland xisbiyada qaranka ee Somaliland sidaa ugamay taxtaxaasheen, waxaa isdiiwaan geliye 80 000 oo qof sanadaha dambana lanan lab ayaa is diiwaangelin doona , Dhulbaahante wuu iska nacay Majeerteeniya iyo ismaamulka at ka tirsantahay ee Somalia. adeer Idoor hadaa samadaa qabatana gaadhimaysid ee waxba sonkorta iyo dhiiga hays ku kicinin

  5. Maxamad says:

    koonfurta sanaag iyo ololihii xisbiga wadani

  6. Maxamad says:

    kugla murmimaayo Boohodle iyo qaybo ka mid ah bariga sanaag oo aan doorasha ka dhicin laakin Ilaahay mahadii Dhulbaahante wax weyn ayaa iska badalay xaaladu sidii at baryo qaar ahayd . markaa muranku waxba ma taro inaga daa bolo xooftada

  7. hassan says:

    adeer wax Khaatumo layiraa majirto waxay kamid yihiin Soomaaliland hadana horumarka ka muuqda Sool waxaa gaarsiiyey S/L lkn waxaa sax ah in Muqdisho aysan weli helin matalaadii ay ku lahayd Baarlamaanada 2 Aqal waana iney heshaa cid laga baryayaahi majiri doonto insha allaah




warar kii ugu danbeeyay